Wejiga cusub ee uu galay dagaalka Itoobiya iyo wararkii ugu dambeeyey. [WARBIXIN]

Monday October 05, 2026 - 06:44:04
MeMO Staff
Dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya oo gala weji cusub oo hor leh ayaa u muuqda mid ku fidaya gobolka, kadib markii dowladda Xabashida Itoobiya ay Khamiistii xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dowladda Eritrea, saacado kadib markii diyaarado Drones ah ay weerareen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha caasimadda Addis Ababa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale khamiistii 10 diblomaasi oo Eritariyaan ah oo ku sugan Addis Ababa, ku amartay in dalka ay kaga baxaan muddo 48 saac gudahood ah, taas oo dhalisay walaac laga qabo in colaadda ka holcaysa gudaha Itoobiya ay isu beddesho dagaal toos ah oo dhex-mara Itoobiya iyo Eritrea.

Diblomaasiyiintan Itoobiya ay cayrisay, xattaa waxaa ku jira mas’uulkii markaasi ugu sarreeyey safaaradda iyo wakiillada Eretaraiya ku metela ururka Midowga Afrika oo fadhigiisu yahay Addis Ababa. Waxaanay Itoobiya sheegtay in dhammaantood ay yihiin dad aan loo oggolayn inay dalka sii joogaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa dhanka kalena albaabada isugu dhufatay safaaraddeeda ku taallay Asmara, sababo la xiriira waxa ay ku tilmaantay tallaabooyin toos ah iyo kuwo dadban oo daandaansi dagaal iyo cadowtooyo isugu jira oo ay waddo Eratariya.

Bayaan ay Wasaaradda Khaarajigu soo saartay ayaa lagu yiri "Itoobiya waxay dowladda Eritrea ugu baaqaysaa inay joojiso dhammaan falalka ka hor imaanaya mabaadi’da xiriirka ka dhexeeya dowladaha madaxbannaan,”

Sidoo kale Itoobiya waxay isla khamiistii dalka ka cayrisay diblomaasi u dhashay dalka Masar, kaas oo ay sheegtay in isna aan laga ogolayn in dalka uu sii joogo, iyadoo amartay in muddo 48 saac gudahood ah uu kaga baxo dalka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee EBC.

Dhawaan ayay ahayd markii Addis Ababa ay Eritrea, Suudaan iyo Masar ku eedeysay inay taageerayaan isbahaysiga mucaaradka ah ee qaybta ay ka tahay jabhadda TPLF, taas oo tan iyo toddobaadkii hore dagaal kula jirtay ciidamada daacadda u ah dowladda federaalka Itoobiya.

Eritrea ayaa saacado kadib dhankeeda iyaduna isl khamiistii shaaca ka qaadday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dowladda Xabashida Itoobiya, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay kaga fal-celinayso diblomaasiyiinteedii ay Addis Ababa soo cayrisay.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in tallaabada Itoobiya ay daleeda kaga cayrisay dhammaan diblomaasiyiinta Eritrean-ka ah ay dhab ahaan ka dhigan tahay in la xiray safaaradda Eritrea ee Addis Ababa.

Bayaan ku qoran lahjad adag oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa lagu yiri "Eritrea ma haysato wax ikhtiyaar ah oo aan ka ahayn inay tallaabadaas oo kale qaaddo, ayna jarto dhammaan xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya, iyadoo ay arrintaasi leedahay dhammaan cawaaqibta taban ee ka dhalan karta,”

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea waxa ay bayaankeeda ku sheegtay in eedeymaha Itoobiya ee ku saabsan ku-lug-lahaanshaha Eritrea ee falalka colaadeed ay yihiin "wax lala yaabo”.

"Xaqiiqadu waxay tahay in Itoobiya ay iyadu muddo dheer wadday ajande colaadeed oo aan kala go’ lahayn,” ayay tiri wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay in Addis Ababa ay dagaal ka dhan ah Eritrea u qaadday sidii ay u heli lahayd marin ay ku gaarto Badda Cas.

Waxay sidoo kale Wasaaradda Khaarajiga ee maamulka Asmara ay Itoobiya ku eedeysay inay gudaha dalkeeda ku martigeliso, tababarto isla markaana hubeyso kooxaha mucaaradka Eritrea, si ay u huriso khilaaf gudaha ah.

Masar ayaa iyaduna tallaabo qaadday, iyadoo eriday diblomaasi ka tirsan safaaradda Itoobiya ee caasimadda Qaahira, isla markaana ku amartay in 48 saacadood uu kaga baxo dalka, sida ay werisay Al Qahira News oo xiriir la leh dowladda Masar.

Waa markii ugu horreysay taariikhda ee labada dowladood ee Masar iyo Itoobiya uu xiriirkoodu sidan u xumaado, isla markaana uu gaaro ilaa heer si is-dhaafsi ah u cayriyaan diblomaasiyiinta labada dhinac.”

Sidoo kale dowladda Masar iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan waxay horey u beeniyeen eedaymaha kasoo yeeraya Addis Ababa kuwo aan sal lahayn oo kutiri kuteen ah.

Xiriirka Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan toban sano ahaa mid xasaasi ah, kaas oo salka ku haya mashruuca weyn ee biyo-xireenka Al-Nahda, kaas oo Itoobiya ka dhistay webiga Niil. Iyadoo Itoobiya ay sheegto in dhaamkani uu muhiim u yahay soo saarista korontada dalka, halka Masarna ay u aragto khatar weyn oo saameyn karta helitaanka biyaha macaan ee ay ku tiirsan tahay.

Agaasimihii hore ee Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ee Masar, Janaraal Calaa’ Cizzu-diin ayaa wargeyska ingiriiska ee Independent u sheegay in ujeeddada eedeymahani ay tahay in Masar lagu dhex jiido khilaafka gudaha Itoobiya, si indhaha looga jeediyo xudunta khilaafka labada dal oo ah biyo-xireenka Al-Nahda.

Madaxii hore ee waaxda sirdoonka milatariga ee Ciidamada Masar, ahna professor wax ka dhiga culuumta istiraatiijiyadda, Janaraal Naasir Saalim, ayaa isna wax lala yaabo ku tilmaamay eedaymaha ka dhanka ah Masar ee kasoo yeeray dowladda Xabashida Itoobiya.

Dhanka kale, Maxamed Torshin oo daraaseeya siyaasadda kuna takhasusay arrimaha Afrika, ayaa isagu qaba in eedeynta Itoobiya ee ah in Masar, Suudaan iyo Eritrea ay faragelin ku hayaan gudaheeda, ay macquul tahay marka la eego waqtiga iyo dabeecadda eedeynta, maadaama dhinac kastaaba uu leeyahay sabab ku riixi karta inuu taageero Jabhadda Tigreega.

Mansuur Suleymaan oo ah qoraa daraaseeya arrimaha Afrika ayaa isagoo u warramaya Al-Jaziira sheegay, in arrin halis ah ku sifeeyey xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex qaraxday labada dal ee Itoobiya iyo Erateriya.

"Tani sidoo kale waa isbeddel diblomaasiyadeed oo muujinaya sida ay xaaladdu u sii xumaanayso, laakiin ma aha wax lama filaan ah. Taariikhda xiriirka labada dal waxaa ka buuxa isbeddello waaweyn oo sidan oo kale ah, sababtoo ah labada dal ayaa waqtiyadii hore midba midka kale taageeri jiray kooxo mucaarad ah oo hubeysan. Laakiin waxaan u malaynaynay in boggaas la soo xiray markii uu yimid Abiy Axmed, kaas oo furay waddo dib-u-heshiisiin ah oo lala yeesho mucaaradka iyo Eritrea. Hase yeeshee, waxay u muuqataa in arrintani ay dib ugu soo laabatay halkii ay markii hore ka bilaabatay.” ayuu yiri Mansuur.

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan xiisadda sii kordhaysa ee u dhexeysa Itoobiya, Eritrea iyo Masar, wuxuuna dhammaan dhinacyada ugu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn buuxda oo ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo uga sii dari karta xaaladda.

Eritrea waxay Itoobiya ka go’day kadib dagaal madaxbannaani oo socday 30 sano, iyadoo si rasmi ah u noqotay dal madax-bannaan sannadkii 1993. Labada dal waxay horey u galeen dagaal xuduudeed uu dhiig badan ku daatay oo socday 1998 ilaa sannadkii 2000.

Ka dib markii Eritrea go’day, Itoobiya waxay gashay go’doon badeed. Iyadoo xiisadaha labada dal ay sii kordhiyeen muddooyinkii dambe ayaa R/Wasaare Abiy Axmed uu soo jeediyay inuu diyaar u yahay in la muquuniyo Eritrea oo xoog lagu soo celiyo.

Maxay yihiin qaraxyada ka dhacay caasimadda Addis Ababa?

Maalmo ka hor ka hor inta uusan dagaalkani qarxin, TPLF waxay isbahaysi la sameysatay lix kooxood oo kale oo hubeysan oo ka hawl-gala gudaha Itoobiyaan, kuwaas oo sheegay inay doonayaan inay xukunka ka tuuraan xukuumadda Abiy Axmed.

Dagaalkan ayaa galay marxalad cusub kadib markii qaraxyo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay habeennimadii Khamiista ka dhaceen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo goobaha sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday ay ka mid tahay xarunta ciidamada difaaca qaranka Itoobiya, halkaas oo laga maqlay qarax xooggan.

Mid ka mid ah ilo-wareedyo xiriir la leh isbahaysiga mucaaradka ee ciidamada dowladda kula dagaallamaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in isbahaysigu uu Addis Ababa ka fuliyay dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

Ilo diblomaasiyadeed iyo kuwo amni ayaa xaqiijiyay qaraxyada, waxaana shaqaale ka tirsan baar ku dhow xarunta, oo AFP u warramay, uu yiri; "Qaraxu wuxuu ka dhacay xarunta, wuxuuna ahaa mid xooggan. Wuxuu gilgilay nawaaxiga, wuxuuna cabsi weyn ku abuuray dadkii ku sugnaa agagaarkaasi,”

Weerarradan loo adeegsaday Drones-ka ayaa dhacay saacado kadib markii hay’adda sirdoonka qaranka Itoobiya ay ku dhawaaqday xannibaado lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegtay hey’adda ACLED, oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Hay’adda oo diiradda saarta colaadaha ayaa sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn, oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin isbahaysiga ka soo horjeeda dowladda, ay Axaddii bartilmaameedsadeen garoomo diyaaradeed oo ciidamada iyo rayidkuba ay isticmaalaan, kuwaas oo ku yaalla gobollada Oromada iyo Amxaarada.

Goobaha sida gaarka ah loogu beegsaday weerarradan ayay hey’addu sheegtay inay ka mid yihiin xarunta ciidamada cirka ee Itoobiya, iyo weerar kale oo ka dhacay bakhaar shidaalka diyaaradaha lagu keydiyo oo ku yaalla mid ka mida garoonnada iyaaradaha ee gobolka Amxaarada.

Critical Threats Project ayaa sheegay in xoogagga fallaagadu ay bilaabeen guluf dhinaca cirka ah oo ay ku fulinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ka socda guud ahaan Itoobiya, isla markaana ay ku jirto caasimadda Addis Ababa.

Jalale Getachew Birru, oo ah falanqeeye sare oo ACLED u qaabilsan Bariga Afrika ayaa sheegay in haddii kooxaha mucaaradku yeeshaan awoodda adeegsiga diyaaradaha Drones-ka, ay wax weyni iska beddeli doonaan saaxada iyo qaabka dagaalku u socdo.

Tallaabadani waa markii ugu horreysay ee fallaagada Tigray ay diyaarado Drones ah ku weerarto caasimadda Itoobiya, taas oo beddeli karta qaabka uu dagaalku u socdo, ayuu sheegay Cameron Hudson, oo hore uga tirsanaa CIA-da iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, haddana ah falanqeeye madax-bannaan oo diiradda saara arrimaha Afrika.

"Dagaalkii hore ee Tigray waxaa ku dhowaad laba sano qaatay dagaallada dhulka ah ka hor inta aysan Tigreegu awoodin inay u soo dhowaadaan Addis Ababa” ayuu Cameron yiri, sida uu sheegay Wargeyska Wall Street Journal, waxaanu sidoo kale Cameron uu intaas ku daray "Markan colaaddu kama dhici doonto meel caasimadda u jirta boqolaal mayl”

Dhankiisa, wariye Tigree ah oo lagu magacaabo Stalin Gebre Selassie, oo wargeyska Independent uu soo xigtay, ayaa sheegay in hawada Addis Ababa aysan mar dambe gacanta ugu jiri doonin keliya ciidamada federaalka Itoobiya.

Wuxuu sheegay inay hadda ay muuqato in isbahaysiga mucaaradku uu helay awood u saamaxaysa inuu adeegsado tiknoolajiyada drones-ka. Isagoo xusay in walaaca amni ay qabaan saraakiisha sare ee ciidamada ee ku sugan xeryaha iyo xarumaha milatariga ee magaalada, taas oo sida uu ka sanqariyey laga dheehan karo go’aannada kasoo yeeray Hay’adda Amniga iyo Sirdoonka ee lagu mamnuucay drones-ka isticmaala gudaha iyo nawaaxiga Addis Ababa.

Wariyahan Tigreega ah oo loo arko inuu taageersan yahay TPLF ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in dhacdadii habeennimadii khamiista ee Addis Ababa ay muujisay sida ay bartilmaameedka u noqdeen xafiisyada Wasaaradda Difaaca iyo guryaha saraakiisha sare ee ciidamada Itoobiya.

Wuxuu carabaabay in xilli ciidamada dowladdu ay raadinayaan goobaha ay joogaan hoggaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka, ay dhinaca kale cutub gaar ah oo ka tirsan mucaaradka sidaas oo kale iyaguna daba-gal ugu hayaan saraakiisha ciidamada federaalka.

Dhankiisa, mid ka mida khubarada arrimaha Itoobiya oo lagu magacaabo Bihun Gidwan ayaa sheegay in haddii la xaqiijiyo in tiknoolajiyada drones-ka ay hadda soo gashay loollanka, ay taasi ka dhigan tahay marxalad cusub oo uu galay dagaalka Itoobiya.

Wuxuu sheegay in drones-ku muddo dheer ahaayeen mid ka mid ah waxyaabihii ciidamada federaalka siinayay awood dheeraadka ah, isagoo xusay in tiknoolajiyaddan ay door weyn ka qaadatay guushii ciidamada dowladda intii lagu jiray dagaalkii Tigray ee qarxay 2020.

Gidwan wuxuu tilmaamay in horumarkani yahay mid laga fahmi karo doorka ay dhinacyada dibaddu ku leeyihiin qalalaasaha gudaha Itoobiya, iyo xiriirka ay jabhadaha mucaaradku la leeyihiin quwado gobolka ka tirsan oo khilaaf xooggani uu kala dhaxeeyo Addis Ababa.

Qoraa Mansuur Suleymaan ayaa sidoo kale sheegay in Addis Ababa ay wajahayso xaalad khatar ah, maadaama weerar noocan oo kale ah uusan waligeed ka dhicin, isla markaana uu isbeddel weyni ku imanayo xaaladdii amni ee ay ku naalloon jirtay.

"Xiisaddan sii kordhaysa waa arrin halisteeda leh, sababtoo ah Itoobiya taariikhdeeda waxaa soo maray colaado badan, balse caasimadda Addis Ababa weligeed ma aysan la kulmin xaalad sidan oo kale ah. Taas macnaheedu waa in caasimaddu markii hore ahayd meel ka nabdoon colaadaha. Sidaas darteed, tani waa horumar aad u halis ah, oo weliba aan caadi ahayn. Sidoo kale, arrintani waxay dhalin kartaa su'aalo kale, sida halkee ayay mucaaradku ka heleen hubka noocan ah?” Ayuu yiri Mansuur.

Halkee ayay marayaan dagaallada ka holcaya waqooyiga Itoobiya?

Dagaallada culus ee u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kooxaha hubeysan ee mucaaradka ah ayaa weli ka socda waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobollada Canfarta, Tigreega iyo Amxaarada.

Boqolaal qof ayaa la dilay, kuwo kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii dagaallo culus ay toddobaadkii hore dib uga qarxeen waqooyiga Itoobiya, isla markaana TPLF, ay weerarro ka fulisay gobollada Canfarta iyo Amxaarada, iyadoo garab ka helaysa maleeshiyaad deegaanka ah.

Geesta kale, koox hubaysan oo Tigree ah isla markaana taageersan dowladda federaalka Itoobiya ayaa khamiistii lasoo dhaafay sheegtay in ay qarka u saaran yihiin inay si buuxda ula wareegaan gacan-ku-haynta gobolka Tigray.

Maxamed Taha Tawakel, madaxa xafiiska Al Jazeera ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada federaalku ay si cad u taageeraan maleeshiyaadka iyaga taabacsan ee Tigreega, hase yeeshee TPLF ay weli gacanta ku hayso magaalooyin dhowr ah, isla markaana ay xiriir xooggan la leedahay Eritrea oo ay wadaagaan xuduud dhererkeedu yahay in ka badan 800 km.

Calaamado muujinaya in dib loo riixay TPLF ayaa soo baxay Khamiistii, waxaana ilo ay soo xigatay AFP sheegeen, in TPLF laga saaray magaalada Erebti ee gobolka Canfarta, oo horaanta toddobaadkii lasoo dhaafay ay qabsadeen, isla markaana ay hadda dagaallo ka wadaan meel u dhow xadka buuraleyda ah ee u dhexeeya Canfarta iyo Tigray-ga.

Maleeshiyaadka Tigreega ah ee taabacsan dowladda federaalka Itoobiya ayaa sidoo kale Jimcihii sheegay inay kusii siqayaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle.

Sida ay Reuters soo xigatay, maleeshiyaadka taabacsan dowladda ayaa sheegtay in qabsadeen magaalo lagu magacaabo Milazat, oo qiyaastii 20 km koonfur-bari kaga beegan Mekelle oo ah magaalada ugu weyn gobolka Tigray.

Gudaha magaalada Mekelle, bangiyada iyo dukaamada ayaa Jimcihii la xiray iyadoo laga cabsi qabo dagaallo ka qarxaan gudaha magaalada, sida ay Reuters u sheegeen laba qof oo magaalada deggan, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan TPLF ay horey uga baxeen Mekelle, isla markaana colaaddu ay u badan tahay inay sii socoto xitaa haddii ciidamada federaalku ay magaalada qabsadaan.

Ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa saacadihii lasoo dhaafay dib ula wareegay garoonka diyaaradaha ee ugu weyn ee magaalada Mekelle, ee caasimadda gobolka Tigray, sida maanta oo Sabti ah ay Reuters kasoo xigatay ugu yaraan saddex ilo-wareed.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab weyn ku noqonaysa isbahaysiga mucaaradka ee gacanta ku haya deegaankaas. Waxaana laba ka mid ah ilo-wareedyadaasi sheegeen in ciidamada Itoobiya ay dib ula wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mekelle.

Ilo-wareedka saddexaad oo ah qof deggan Mekelle, kaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni awgood, ayaa isna xaqiijiyay in ciidamada dowladdu ay qabsadeen garoonka. Wuxuuna intaas ku daray inay maqleen rasaas laga ridayo meel ka baxsan bartamaha magaalada.

Ilo-wareedkan ayaa sheegay inuu arkay qaar ka mid ah dagaalyahannada TPLF oo ka baxay goobihii ay ku sugnaayeen, una dhaqaaqay guryahooda. Waxa kale oo uu sheegay in magaalada ay maanta ka bilaabantay bililiqo aad u xooggan oo lagu hayay xarumaha dowladda.

Sidoo kale Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa weriye maxalli ah iyo dad deegaanka ku sugan, ayaa iyaduna xaqiijiyey in gelinkii hore ee Sabtidii maanta ay TPLF bilowday ka-bixista Mekelle, xilli ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka taageersan ay ku sii siqayeen magaalada.

"Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa ka baxaya Mekelle,” ayuu yiri weriyuhu, waxaanay AFP ay intaas ku dartay in la faaruqiyey oo ay haawanayaan dhammaan xafiisyadii dowladda iyo sidoo kale saldhigyadii booliska.

Si kastaba, ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa hareereeyey magaalada Mekelle, sida ilo ku dhow TPLF ay u sheegeen Reuters.

Garoonka diyaaradaha Mekelle wuxuu qiyaastii 10 km u jiraa bartamaha magaalada. Wuxuuna ka mid ahaa saddex garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Tigray oo ay xoogagga mucaaradku la wareegeen bilowgii dagaallada, ee 23-kii Sebtembar.

Gelinkii dambe ee Sabtidii ayaa la xaqiijiyey in Ciidamada dowladda Xabshida Itoobiya iyo maleeshiyaad iyaga taabacsan ayaa dib ula wareegeen gacan-ku-haynta caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, sida Reuters ay Axaddii u sheegeen saddex ilo-wareed.

Jabhadda TPLF oo hoggaamisa isbahaysiga mucaaradka, ayaa bayaan ay Facebook ku baahisay ku sheegtay inay ka baxday caasimadda, isla markaana maamulkii gobolka si ku-meel-gaar ah looga saaray Mekelle, iyadoo hawlaheeda ka sii wadan doonta meel kale.

Ilo ku dhow maleeshiyaadka dowladda taageera ee loo yaqaan Tigray Peace Forces ayaa sheegay in dagaalyahannadoodu ay galeen bartamaha Mekelle galabnimadii Sabtida, waxaana ku xigay oo iyaguna magaalada gudaha u galay ciidamada Itoobiya.

Ilo dhinaca waxa loogu yeero arrimaha bani’aadantinimada iyo qof ku sugan magaalada Mekelle oo ay soo xigatay Reuters oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa iyaguna xaqiijiyay in magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

La-wareegista Mekelle ee ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa dhabar-jab weyn ku ah isbahaysiga mucaaradka ee ay hoggaamiso jabhadda TPLF, kaas oo 23-kii Sebtembar weerar ballaaran ku qaaday ciidanka Xabashida Itoobiya.

La-wareegista Mekelle ee ciidamada federaalka iyo maleeshiyaadka taabacsan, waxay dhabar-jab weyn ku noqonaysaa isbahaysiga mucaaradka, inkastoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan in aysan u badnayn inay soo afjarto colaadda.

Dagaallo ay barbar socdaan duqeymo culus ayaa ka socda duleedyada magaalooyinka Shiire,Adigrat iyo Aksum, ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka jabhadda TPLF ay weeraro dhabagal ah udhigeen kolonyo katirsan ciidanka Itoobiya kadibna waxaa dhacay iska hor'imaadyo culus.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Shiire ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka nidaamka Abiy Axmed ay duqeymo culus ku beegsadeen isbitaallo iyo xarumo kale oo lagu tuhunsanyahay dagaalyahanada kooxda TPLF.

Dhinaca ismaamullada Cafarta iyo Amxaarada waxaa lagasoo sheegayaa dagaallo culus kuwaas oo udhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha mucaaradka ah, inkastoo ciidamada dowladda Federaaliga ah ay qabsadeen magaalooyinka Maqalla iyo Alamaata hadane waxay lakulmayaan silsilo weeraro isku xiran ah oo uga imaanaya jabhadaha hubaysan.

Dhinaca kale hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa muuqaal la baabiyey habeennimadii jimcaha ku sheegay in dagaalkani uu yahay mid goboleed, isla markaana looga golleeyahay sidii loogu xakameyn laha Badda Cas.

Sida uu sheegay mashruuca Critical Threats Project oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute, dowladda Itoobiya ayaa hadda wadda weerar rogaal-celis ah oo ay ciidamadeedu ku sii gelayaan dhulka Tigray, iyagoo saddex jiho kaga siqaya caasimadda gobolka ee Mekelle.

Hay’adda la-socodka colaadaha ee ACLED ayaa sheegtay in ciidamada taageersan dowladdu ay dib ula wareegeen magaalooyinka Abala, Erebti iyo Megale ee gobolka Canfarta, halka Critical Threats Project ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ay inta badan iska caabiyeen weerarkii kooxaha fallaagada.

Sannadkii 2020, ciidamada federaalka ayaa Mekelle qabsaday bishii ugu horreysay ee dagaalka, ka hor inta aan TPLF-du qaadin weerar rogaal-celis ah oo magaalada dib ugu soo celiyay gacanteeda toddobo bilood kaddib.

Guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa muuqaalkiisan u dambeeyey sidoo kale ku qiray in ciidamada federaalku ay qabsadeen qaybo ka mid ah gobolka, balse wuxuu sheegay in ay qaadi doonto weerar rogaal-celis ah, isla markaana gobolka Tigray uu noqon doono qubuuraha ciidanka Xabashida Itoobiya.

Hey’adda Amnesty International oo sheegata inay u dooddo waxa loogu yeero Xuquuqda Aadanaha ayaa ugu baaqday Midowga Afrika inuu si degdeg ah u qabto kulan looga hadlo dagaallada cusub ee ka holcaya gobolka Tigreega iyo qaybo ka mid ah gobollada Canfarta iyo Amxaarada.

Amnesty waxay sheegtay inay heshay warar lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan khasaaraha duqeymo iyo weerarro cirka ah oo lagu beegsaday goobaha rayidka, ee magaalooyin ay ka mid yihiin Axum iyo caasimadda gobolka Tigreega ee Mekelle.

Ilo-wareed dhinaca arrimaha bani’aadantinimada ah ayaa qiyaasay in tobannaan kun oo qof oo ku noolaa gobolka Canfarta ay isaga barakaceen guryahooda.

Ugu dambayn, R/Wasaare Abiy Axmed, oo aan weli ka hadlin xiisadahan soo kordhay, ayaa la filayaa in Isniinta soo socota loo dhaariyo in hoggaanka dalka uu sii hayo, kaddib markii uu ku guuleystay doorasho-ku-sheegtii dhacday bishii Juun.

Abiy Axmed iyo caleemo-saarkiisan cusub ayaa ayaa wajahaya dagaallo iyo khilaafaad hor leh oo ka jira dhinacyo badan, kaddib markii todobo kooxood oo hubeysan ay sameysteen isbahaysi isaga ka dhan ah, kuwaas oo ay hoggaaminayso jabhadda Tigreega ee TPLF.

Related Items

Update cookies preferences